Wararka ka imaanaya degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya 6 qof oo u dhashay dalka ayaa lagu dilay degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose
Alshabaab ayaa lagu Eedeeyay dilka dadkaas sidaasina waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku.
Sidoo kale , Guddoomiye ku xigeenka Libooye wuxuu sheegay in 6da qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.
Meydadka dadkaas ayaa la geeyay LIbooye si loo Aqoonsado bale dadkaas Kenyan ka ah ee la dilay ayaa la sheegay in Muddo ay ku ganacsayeen Suuqa degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.
Lama oga illaa hadda sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan Faah Faahin ka bixin sida Dadkan Kenyan ah ee la dilay ay ku tageen Dhoobley iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.
Dawlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi.