Dad badan oo Cudurka Shubanka ugu geeriyooday degmada Xawaadley ee gobolka Sh/ Dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la  soo dhaafay  Dad badan Cudurka shubanka ay ugu geeriyoodeen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in 24kii saac ee la soo dhaafay degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe ay ugu geeriyoodeen cudurka shubanka in kabadan 15 qof halka 25 kalena ay la ildaran yihiin cudurkan.

Degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe malaha  Xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo waxaana dadka uu soo ritay Cudurka shubanka lagu daweeynaya  fagarayaasha degmadaas.

Hase ‘ahaate, degaannada Hirsabeelle ayaa waxaa weli ka jira Cudsurka shabubnka oo dhibaato ku haaya .