Dad Abaaro ugu geeryoodey Degaanada Sool iyo Sanaag

Warark inaga soo gaaraya Degaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay Abaaro darteed ugu geeryoodeen 10 Qof, maadaama Abaarta Degaanadaasi ka jirta ay tahay mid sii darsatay.

Dadkan Abaaraha ugu geeryoodey Degaanada Sool iyo Sanaag waxaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay mid ka mid ah Dadka Degaanka.

Waxgarad iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa Dowladda Federaalka, Maamulada Dalka ka jira waxa ay ka dalbadeen in gar gar deg deg ah lala soo gaaro.

Gobolada qaar ee Dalka waxaa hada ka jira Abaaro daran, kuwaas oo saameen ku yeeshay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan, waxaana jira dadaalo lagu bad baadinayo dadkaasi.