Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta furmeysa

Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta  ka furanto magaalada Hague ee dalka Holland.

Qareeno , suxufiyiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badda ayaa gaaray magaalada Hogue ee dalka Holland.

waxaa sidoo kale shalay gaaray Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Labada dal ayaa lagu wadaa in ay Maanta soo gudbiyaan dacwada ku aadan muranka badda ee u dhaxeeya labada dal.

Maxkamadda ICJ ayaa horay  u sheegtay in bisha September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.