DHAGEYSO: Dab xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dab xoogan oo xalay goor dambe ka kacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaano Suuqa Khaliifa, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah Ganacsatada halkaasi ku sugan.

Dabkan ayaa ahaa mid ka dhashay koronto, sida ay sheegeen koox gar gaar halkaasi ka waday, waxaana uu baabi’iyay Ganacsiyo yar yar oo halkaasi ku yaallay.

Dad badan oo Ganacsiyo ku leh halkaasi ayaa isla xalay waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay ula socdaan Hantidooda in ay gubatay iyo in kale.

Kooxda Dab damiska ayaa halkaasi gaartay goor dambe waxaana dadaal dheer kadib lagu guuleystay in la damiyo dabka, maadaama ay ka hortageen in uu ku faafo meelo cusub.

Dhanka kale Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, ayaa amniga sugayay, waxaana lagu arkayay wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada, ayaa doonayay in ay ka hortagaan in laga faa’iideysto Dabka, boobna lagula kaco goobaha ganacsi ee ku yaala Bakaaraha.

Dadbkan ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Khaliifa ayaa noqonaya markii Labaad Saddex bil gudaheeda, waxaana ilaa hada aanan la ogeyn waxa soo cel celiya gubashada Suuqa Bakaaraha.