Dab xooggan oo khasaare geystay ayaa ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, sida ay soo sheegayaan weriyeyaasha Warbaahinta Risaala oo ku sugan Suuqa.
Dabku wuxuu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo suuqa ka mid ah, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti badan oo ay lahaayeen ganacsato yaryar. Ilaa iyo hadda lama soo sheegayo waxyeello nafeed, hase yeeshee khasaaraha hantiyadeed ayaa lagu tilmaamay mid aad u weyn.
Ciidamada dab-damiska ayaa si adag uga shaqeynaya daminta dabka, waxaana la sheegay in howlgalkoodu meel wanaagsan marayo.
Ciidamada booliska ayaa sidoo kale garab siinaya ganacsatada, iyagoo ka caawinaya badbaadinta hantidooda inta uusan dabku gaarin.
Dadaallada gurmadka ayaa weli socda, iyadoo la filayo in si buuxda loo xakameeyo xaaladda saacadaha soo socda.



