Dab ka kacay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho

Dab ayaa ka kacay qeyb kamid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxana la arkayaa uuro cirka isku shareertay oo siwyen looga dareemay meelo kamid ah Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed Jalaludiin ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu soo gurmado Isbitaalka oo uu dabka ka kacay.

Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya Qiic aad u farabadan oo cirka isku shareeray, waxaana socda dadaalo ku aadan sidii loo demin lahaa dambkaas.