Wafdigan waxaa Hogaaminayay wasiirku xigeenka qorshaynta iyoiskaashiga caalamiga ah ee dowladafederaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qalocow waxaana safarkiisa qayb ka mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyadoona Garoonka diyaaradaha ee Konoco ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Puntland oo uu ugu Horeeeyo wasiiru dowlaha qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ag ee Puntland.
Imaatinka wafdiga kadib waxaa u jeedada safarkooda faahfaahin ka siiyay warbaahinta qaranka agaasimekuxigeenka iskaashiga caalamiga ah Maxamed Daahir Faarax xusayna inay wadaan wadatashiyo Guud oo maamul Gobaledyada dalka oo idil ah.
Maxamed Daahir Faarax ayaa sheegay in wadatashiyadan guud kadib qorshahan laxiriira habkii loo maamuli lahaa mashaariicda kaladuwan ee Midowga Yurub lahirgalin doono horaanta sanadkanCusub ee soosocda.
Maalinimada barito ah ayaa lagu wadaa in uu magaaladaGaroowe kafurmo shirkan looga hadlayo qorshaha qaran ee maamulida mashaariicda ka timaada Midowga Yurub waxaana ka soo qayb Galidoona wasaaradaha Kala duwan ee Puntland.



