DAAWO: Ururka SOMA oo Tababar u soo gaba gabeeyay Wariyeyaal

Muqdisho-RisaalaFM- Tarabarkan oo ay ka qaybgaleen 25, suxufi oo ka kala socday xarumaha Warbaahinta ee Muqdisho iy Shabeelaha hoose ayaa ka dhacay hotelka Afric ee magaalada Muqdisho.

Xarumo idaacadeed, Wargeys iyo ku telefeshin, ayaa ka qaybgalay tababarka, ujeedka tababarka ayaa ahaa hagaajinta hannaanka bedqabka Warbaahinta iyo kormeerka Nabadgelyada.

Laba maalmood oo uu tababrkaasi ka socday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa suxufiyiinta ka qaybgalay waxa ay uga doodeen sida ugu habboon ee Suxufiyiintu u hubin karaan nabadgelyadooda xilliga shaqada iyo xarumaha shaqada.

Sidaas oo kale sameysiga siyaasadda is xakameynta ee saxaafadda (Media self regulation) ayaa kamid ahayd arrimaha sida aadka ay suxufiyiinta ka qaybgashay tababarkaasi uga doodeen, iyaga oo sameeyey dhowr koox howleed (Group discussion), kuwaas oo ku saabsanaa qodobada uu ku saabsanaa tababarku.

Maxamed Ciise Maxamuud; oo ka tirsan telefeshinka Somali cable ayaa yiri:

Waxa aan ka bartay billowgii tababarkaba waa ku dhaqangelinta xarumaha shaqada xeerka sameynta laba albaab (irid) oo laga baxo markii loo baahdo (exit door)

Anisa Cabdullaahi oo ka tirsan Shabelle Radio ayaa iyana tiri: “Aad ayay fursad iigu ahayd in aan ka qybgalo tababarka bedqabka iyo hannaanka kormeerka nabadgelyada, Xarunteyda waxa laga dilay weriyeyaal badan, kii ugu dambeeyana 2, todobaad ka hor ayaa la dilay, marka barashada siyaasadda nabadgelyada suxufiyiinta iyo goobaha shaqadu aad ayay waxtar iigu leedahay”

Doodaha tababarka oo ahaa 3, qaybood ayay ka qaybgalayaashu isku weydaarsadaan macluumaad la xiriira sida ay warbaahinta iyo shaqaalaheedu ay xilligan u howlgaan, caqabadaha shaqada warbaahinta, xilliga doorashada, xiriirka dowladda iyo Warbaahinta, Waxtarka siyaasadda is xakameynta iyo kaalinta qiimeynta bedqabka.

Qiimeynta nuxurka warbaahinta (Media content) ayaa isna qayb ka ahaa duruursta iyo doodaha ku jiray tababarka, sidaas awgeed waxa ay ka qaybgalayaashu soo jeediyeen in milkiilayaasha iyo tifaftirayaashu sameeyaan qorshe iyo ku talagal mowduucyo gaar ah, si dhegeystayaashu u helaan arrimo ay ka doodaan.

Tababare Axmed Cali Maxamed “Shariif” iyo tababare Faarax Cumar Nuur; ayaa ka qaybgalayaasha uga jawaabay dhowr su’aalood oo si gaar ah u quseeyey xarumaha ay ka socdaan.

Maxamed C/wahaab C/laahi guddoomiye ku xigeenka SOMA, ayaa ka sheegay xiritaankii tababarka in SOMA, ay ku faraxsan tahay ku casuumidda tababar noocan ah 25, suxufi oo ka socota xarumaha warbaahinta ee gobolka Banaadir.

Xafiiska tababarka SOMA

Muqdisho

dsc04940 dsc04914 dsc04909 dsc04898 dsc04897 dsc04889 dsc04884 dsc04827 dsc04833 dsc04876 dsc04880