Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan maanta waxaa ka dhacday xaflad si heersaro loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Xafladan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Ugaasyo ka kala yimid qaar ka tirsan gobolada dalka iyo Madax dhaqameedyo ka tirsan kuwa Soomaaliyeed.
Garoonka Kubada cagta C/kariin Laqanyo ee magaalada Beledweyne ayaa lagu qabtay xaflada caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif halkaas oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal dadweyne ah oo degan magaalada Beledweyne iyo marti kale oo ka kala timid gobolada dalka.
Mas’uuliyiinta Khudbadaha halkaasi ka jeedisay waxaa ka mid ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baaralamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka Munaasabadda caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Sidoo kale Ugaasyada Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay Munaasbadda ayaa dhankooda u hambalyeeyay Ugaaska.



