Daawo Shir nuucii ugu horeeyay Sharuurka looga hadlo oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho-RisaalaFM- Shirkaan looga hadlayay saameynta lacagaha la siiyo Wariyaasha ee loo yaqaaqo Sharuurka uu ku leeyahay Warbaahinta iyo Bulshada.

Shirka ayaa waxaa Fulintiisa iska lahaa Shabakada SOMA(EX-Network 2013) iyo Media Ink, waxaana maalgelinayay Hey’ada Free Press Unlimitted.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Warfaafinta, Maamulka gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee bulshada, Milkiilayaasha, Agaasimayaasha qaar ka mid ah Xarumaha Warbaahinta dalka iyo qaar ka mid ah Wariyaasha ka howl gala Warbaahinta Muqdisho.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka hadlay Xogeyaha guud Ismaaciil Sheekh Khaliifa ee Shabakada SOMA(EX-Network 2013) iyo Saciid Xagaa oo ka socday Media Ink

Sidoo kale shirka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Daladda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ku dheeraaday sida ay diintu u mamnuucday Sharuurka oo ah laaluush wariyaasha la siiyo.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa ka hadlay Faarax Nuur oo ah Xogeyaha Tababarada Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Wariyaasha la tababaro oo Xirfadooda kor loo qaado.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in Madaxda Warbaahinta loogu baahan yahay in ay joogteeyaan hormarinta Wariyaasha ka shaqeeya Warbaahinada ay Madaxda ka yihiin.

Waxa uu sidoo kale Xildhibaanka tilmaamay in ay Muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto sare u qaadida iyo tayeynta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha dalladda SOSCENSA Prof. Maxamed C/laahi Shirwac ayaa sheegay in marka ugu horeysa Maamulada Warbaahinada looga baahan yahay in ay daboolaan baahida shaqaalaha ka shaqeynaya xrunta sidaasina looga maarmo sharuurka.

Sidoo kale C/qaadir Gacal Abkow oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in Maamulada Warbaahinta looga baahan yahay in shaqaalaha ay siiyaan Mushaar ku filan si ay meesha uga baxdo sharuurka ay qaataan.

Shirkan oo ahaa mid hal maalin socday ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ku aadan sida looga hor tagi karo Sharuurka.

11- 22- 33- 44- 55- 66- 77- 88- 55- 3- 4- 5- 6- 6- 7- 8- 9- 10- 11- 12- 13- 14- 15-