Taliyaha Guud ee Ciidanka dowladda Uganda oo shalay Muqdisho ku yimid booqasho ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Uganda ee joogga Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in ay tahay waqtigii loo baahnaa in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoogan oo la wareegi kara ammaanka dalka.
General Katumba Wamala ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waqtigaan loo istaago tayeynta iyo sidoo kale dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed , si ay AMISOM ugala wareegaan Ammaanka dalka.
General Katumba Wamala ayaa intii uu joogay Muqdisho waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale Waxaa uu la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating.
Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa horay ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay bilaabaan dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan ammaanka dalka.



