Daawo Sawirro: Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, oo mar kaliya qarxay.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa Mashquul aheyd, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan goobta ay wax ka dhaceen.

Ilaa iyo hadda laamaha Amniga dowladda Ma shaacin Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.