Milkiilaha Telefishinka Universal, Eng. Axmed Abuubakar, ayaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa, ka dib markii la xiray gelinkii dambe ee Axadii shalay.
Milkiilaha UniversalTV oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Jigjiga, ayaa Hargeysa u yimid, sidii uu uga sii gudbi lahaa Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgelo caleemo saarka Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Eng. Axmed Abuubakar, ayaa ka mid noqday marti sharafta la qorsheeyay in ay ka soo qaybgasho xafladda caleemo saarka Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed, oo maalinta Arbacada lagu wado in ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka Somaliland, ayaa si lama fillaan ah xabsiga ugu taxaabay Eng. Axmed Abuubakar, iyadoo aan la garanayn cidda bixisay amarka lagu soo xiray.



