DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Jiida dagaalka

Madaxweynaha Jubbaland  mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Taariikhi ah ku tagay deganka Cabdalla biroole ee Gobolka Jubada hoose.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin Ciidamada qalabka sida waxaana uu Kismaayo u jiraa 45 KM.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay Ciidamadu halkaas ku leeyahiin waxaana uu Warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo Hogaanka Ciidanka ee halkaas ku sugnaa.

Dhamaan Ciidamada Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtan ah ay leeyahiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay Amaan ugu seexan lahayeen Hooyooyinka iyo Caruurta Soomaaliyeed.

Mushaarka iyo Daryeelka Ciidanka ayuu xusay Madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana Askari walba oo ka tirsan Darawiishta uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.

 

1 7 5 6 4 3 2