Dekedda Magaalada Kismaayo oo ka mid ah dekeddaha ugu muhiimsan Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa laga dareemaya horumar Ganacsi oo aad u ballaaran.
Maraakiib iyo doomo Ganacsi oo kala duwan ayaa kusoo xiranaya Saacadba Saacadda ka dambeysa.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland oo hadda gacanta ku haaya Dekedda ayaa waxa ay sheegayaan in ay doonayaan in ay ku sameeyaan Balaarin.
Cabdiraxiin Xuseen Caylaawe oo ka mid ah Wariyeyaasha Risaala oo hadda howlo Shaqo u joogga Magaalada Kismaayo ayaa u guur galay sida ay u shaqeyso Dekedda Magaalada Kismaayo , islamarkaana Sawirraddaan kasoo qaaday xilli ay ka socotay shaqo Dekedda.




