DAAWO SAWIRRADA: Farmaajo oo gaaray Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qaybaha bulshada.

Dhanka kale Ciidamada ammaanka, ayaa maanta adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo, iyagoona hakad geliyay isu socodkii gaadiidka.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo Magaalo ku taala dalka, kana baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooamaliya, 8-dii Bishii February.

 

farmaajo 1 farmaajo 2