Muqdisho-RisaalaFM- Maanta oo ay aheyd maalin Jimco ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha loo dalxiis tago si aad ah looga dareemayay Damaashaadka Maalinka Jimcaha ah.
Maalin kasta oo Jimca ah shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho ayaa waxa ay sameeyaan booqasho ku dhisan farxad iyo in ay isugu yimaadaan goobaha qurxoon, halkaasi oo ay ku nastaan kuna galaan sawirro xusuus ah.
Muqdisho waxaa si gaar ah hada ugu soo badanaya goobaha Waxbarashada oo ay ka mid yihiin Iskuulaadka, Jaamacadaha, goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Xarumaha indha-doogsiga ku wanaagsan iyo goobo kale oo aan la soo koobi karin.
Koox ka tirsan Risaala oo socod dheer ku soo maray wadooyinka waa weyn ee Muqdisho iyaga oo adeegsanaya Gaari mararka qaarna lugahooda ayaa waxa ay sheegeen Magaalada in ay talaabo u qaaday wadada Hormarka, maadaama hada dalka uu galayo marxalad cusub.
Shacabka qaar oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen sanado kale oo hada soo socda in dalka uu gaarayo meelo sare oo dadka iyo dalka ay guulo ku gaari karaan taasina ay u baahan tahay dadaal dheer.
Beerta Nabadda ayaa ka mid ah xarumihii aan maanta booqashada ku taknay, waxaa isugu yimid dadyow aad u fara badan, kuwaasi oo isugu jira Haween, Dad Da’ah, iyo Caruur heshay fursad mar la arag ah, waxayna u soo baxeen Damaashaadka Jimcaha.
PHOTOS: Abdirashiid Ali Dubbad










