Daawo Sawiradii ugu Xiisaha badnaa Todobaadkaan Qaarada Afrika

Qaar ka mid ah sawirada Todobaadkii tagay Afrika laga qaaday

Dumar Soomaali ah oo ku dabaaldegayay Muqdisho, Khamiistii, waxay ku faraxsan yihiin in Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha dalka.
Dumar Soomaali ah oo ku dabaaldegayay Muqdisho, Khamiistii, waxay ku faraxsan yihiin in Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha dalka.
Shacabka caasimadda ayaa xittaa ku dabaaldegayay gawaarida ciidamada. Dhallinyaro badan ayaa isugu soo baxay magaalada.
Shacabka Muqdisho ayaa xittaa ku dabaaldegayay gawaarida ciidamada Dhallinyaro badan ayaa isugu soo baxay magaalada.
Taageerayaal Kameruun u dhashay oo faraxsan ka dib markii xulka qarankooda ay qaadeen koobka Qaramada AFrika, Axaddii.
Xulka qaran ee la loodin waayay ee Kameruun ayaa ku guuleystay koobka qaramada Afrika Axaddii. Kuwan oo ah taageerayaashooda ayaa ku sugnaa garoonkii ay kula ciyaareen Masar oo ku yaalla caasimadda Gabon ee Libreville.
Halkan waa dalka Koofur Afrika, ninkan wuxuu buufinayaa shinni buux dhaafisay garoon ay ka dheceysay ciyaar kirikit ah. Shinnida ayaa sababtay in ciyaarta ay waqtigeeda ku billaaban wayso. Waxay u dhexeysay South Afrika iyo Sri Lanka.
Halkaani waa dalka Koofur Afrika, ninkan wuxuu buufinayaa shinni buux dhaafisay garoon ay ka dheceysay ciyaar kirikit ah. Shinnida ayaa sababtay in ciyaarta ay waqtigeeda ku billaaban wayso. Waxay u dhexeysay South Afrika iyo Sri Lanka.
 
Talaadadii, Gabar Kenya u dhalatay Sabrina Simader oo ka qeybgaleysay tartanka barafka caalamka ee lagu qabtay Swiss.
Talaadadii, Gabar Kenya u dhalatay Sabrina Simader oo ka qeybgaleysay tartanka barafka caalamka ee lagu qabtay Swiss.

Arbacadii, Ciidamada Taliyaaniga oo Salaan sharaf u saaray madaxweynaha Tunisiya, Beji Caid Essebsi oo Roma kula kulmay Ra'iisul wasaaraha Taliyaaniga Paolo Gentiloni.
Arbacadii, Ciidamada Taliyaaniga oo Salaan sharaf u saaray madaxweynaha Tunisiya, Beji Caid Essebsi oo Roma kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Taliyaaniga Paolo Gentiloni.
Isniintii, qaar ka mid ah ciidamada Tunisiya ayaa isu diyaarinayay maamuus sanadkii Afaraad loo sameeyay siyaasi hore oo mucaarad ah oo lagu dilay dalkaa oo lagu magacaabay Chokri Belaid.
 qaar ka mid ah ciidamada Tunisiya ayaa isu diyaarinayay maamuus sanadkii Afaraad loo sameeyay siyaasi hore oo mucaarad ah oo lagu dilay dalkaa oo lagu magacaabay Chokri Belaid.
 
Dibadda kore ee dhismaha baarlamaanka Koonfur Afrika waxaa ku sugnaa dibad baxayaal mucaaradka iyo dowladda kala taageersanaa. gabadhan waxay iska qaadeysaa sawir.
Dibadda kore ee dhismaha baarlamaanka Koonfur Afrika waxaa ku sugnaa dibad baxayaal mucaaradka iyo dowladda kala taageersanaa. gabadhan waxay iska qaadeysaa sawir.
 
Ugu dambeyn, Khamiistii Zanzibar waxaa ka bilowday munaasabad loo garanaayo Sauti za Busara, halkaas o farshaxaniin caalamka ka kala socda ay waxyaabo kala duwan ku soo bandhigayaan. Labadan nin waxay lugaha ku xirteen ulo oo ay ku socdaan