Muqdisho-RisaalaFM- Weerar Qarax loo adeegsaday ayaa Goor dhow lagu weeraray Hotel SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay.
Wararka ayaa sheegaya in Gaarigan oo noociisa weli aanan la ogaanin, balse aad u miineysnaa lagu dhuftay Afaafka hore ee Hotelka SYL oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale bur bur xoogan soo gaaray Hotelka SYL, waxaana Qaraxan uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Wariyeyaal oo ku sugnaa gudaha Hotelka SYL.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotelka SYL.



