Daawo Sawirada Lacag Been abuur ah oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Howlgal ay xalay Ciidamada Hay’adda Nabad suggida ee NISA ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada muqdisho waxa ay ku qabteen Koox burcad ah oo Guri ku yaalla degmadaasi ku sameynaayay  Lacag Doolar been abuur ah.
 
Hay’adda NISA ayaa Sheegtay ay la wareegtay Warshaddii iyo Qalabkii lagu dhaqayay Lacagahaasi Been Abuurka ah, iyadoo Xabsiga loo taxaabay ilaa lix ruux oo lagu tuhmaayo in ay ka shaqeynaayeen Warshadda.

NISA ayaa sidoo kale saxaafadda u soo bandhigtay Qalabkii lagu sameynayay lacagtaan iyo waliba lacagtii ay sameeyeen shaqsiyaadkaan ciidanka ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.

2 1

16121559_10206592232724735_1290116089_o-1024x576
6
4