Daawo Sawirada kulan aan caadi aheyn oo maanta ka dhacay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada ay ka yeesheen Xaaladahii ugu danbeeyay gaar ahaan Dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku xigeen iyo dhamaan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn ayaa waxaa Madaxweynahu uu Wasiirada uga xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Dagaalo adag oo Ciidamada qalabka sida ay la galeen Al-Shabaab.


Madaxweynaha ayaa sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay degaanka Beerxaani ay  ku dileen qaar badan oo kamid ah Al-Shabaab oo dhibaato badan ku hayay dadka Xoolo dhaqatada ah waxaana uu xusay in ay Talaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay kasoo furteen qaar badan oo kamid ah Xoolahii ay afduubka u haysteen kuwa kalana ay ku daba jiraan.


Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha  Jubbaland ayaa sheegay in dadka degaanku ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab la dagaalamaan qaar badan oo kamid ahna la hubeeyay si ay isku difaacan.

15622639_788793201261583_4950375050333413823_n 15622150_788793194594917_996761372432177292_n 15622022_788793777928192_4073501348517178588_n 15542008_788793191261584_7130304869838665222_n