DAAWO SAWIRADA: Haweeneyda Galmudug ay soo bad baadiyeen

Maamulka Galmudug ayaa magaalada Cadaado saxafadda  ugu soo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabadsugiddu hawlgal ku soo badbaadiyeen.

Kadib markii ciidanka Nabadsugidda Qaranku xalay hawlgal ay ka fuliyeen  deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ay ku soo badbaadiyeen Loise  Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo 2-sano u qafaalneed koox burcad ah ayaa maanta waxaa maamulka Galmudug uu ku soo bandhigay magaalada Cadaado.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Loise  Weru  ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay.

1q 2q 3q