Dowlad goboleed Galmudug ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya khasaarihii ka dhashay duqeyn xalay ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo oo ay ciidanka Puntland sheegeen in ay ku weerareen Al-Shabaab.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka la duqeeyay aysan aheyn Al-Shabaab ,laakiin ay yihiin dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamado ka tirsan maamulka Galmudug oo saldhig ku lahaa goobta la duqeyay.
Waxa xusid mudan in deegaanada Jeexdin iyo Godod ay inta badan ku dagaalamaan Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo sidoo kale Galmudug.
Al-Shabaab gacanta kuma hayaan deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale guud ahaanba deegaanada ku yaalla Bariga gobolka Mudug.



