Doorashada Aqalka Hoose ayaa Maanta ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya , waxaana ku tartamaya musharaxiin doonaya in ay ka mid noqdaan xildhibaanada Cusub ee dowladda Soomaaliya.
Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kursiga beesha Direed oo la sheegay in laga soo wareejiyay Puntland ka dib markii uu ka dhashay khilaaf , waxaana ku tartamaya hada labo musharax oo kala ah Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii uu Waqtigiiso dhamaaday Mahad Cabdalle Cawad iyo Maxamed Axmed Cawid.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Maanta la doorto qaar ka mid ah kuraasta beelaha Banaadiriga.

Faahfaahin kala soco Risaala.net


