Daawo Sawirada Ciidanka NISA oo howgal ka fuliyay Shabeelaha Hoose

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howgal gaar ah waxa ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Qoryooley sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay howgal ka fuliyeen deegaanada kala ah, Xero koowaad, Xero Labaad, Doon Buraale, Maayo Murug, Bandar, Cabdi Cali, Dhanshinley, Gorgaal iyo Caramooy.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in u jeeda howgalka tahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab ay soo abaabulaayaan.

Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sheegay in si weyn loo xaqiijiyay ammaanka gobolka Shabeelaha Hoose , gaar ahaan deeganada hoos yimada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa intabadan waxa ay xilliyada habeenkii ah madaafiic ku garaacaan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.3 61 7 5 4 4-1