Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Kumaandooska iyo Daraawiishta Puntland ay la wareegeen qeybo ka mid ah Magaalada Garoowe sida Wasaarada Maaliyada iyo Xarunta Baarlamaanka Puntland.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan Mushaar la’aan soo wajahday bilihii lasoo dhaafay.
Saraakiisha ciidamada Ammaanka Puntland ayaa wali ka hadlin Gadoodka Ciidamada.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay si buuxda ay gacanta ugu dhigeen Xarunta Baarlamaanka iyo sidoo kale Wasaarada Maaliyadda ee Garowe.



