Daawo Sawirada Buundadii dhalada aheyd ee Shiinaha oo la xiray

Buundo dhalo ah oo Shiinaha laga furay 13 maalmood ka hor oo lagu tilmaamay in ay tahay mar la arag ayaa la xiray.

Saraakiishu waxay sheegeen in dawladdu ay ku samaynayso dayactir dagdag ah agagaarkaas, lana xiray buundada Jimcihii iyada oo dib laga soo sheegi doono marka la furayo.

Laakiin warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in afhayeen u hadlay Shiinaha uu sheegay in dadkii booqanayay buundada ay xad dhaaf noqdeen.

Wuxuuna sheegay in wax shil ah uusan ka dhicin buundada isla markaasna aysan dildilaacin ama jajabin.

Buundadan dhalada ah ayuu dhererkeedu dhanyahay 430 mitir waxaana ku kacay 3.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxayna isku xirtaa labo buurood oo ku yaala Zhangjiajie, oo ka tirsan gobolka Hunan.

e w r q