Maamulka gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigay caruur la sheegay in laga soo xaday waalidkooda.
Caruurta ayaa ahaa 2 gabdhood iyo sidoo kale 1 wiil kusoo la sheegay in laga soo xaday waalidkooda , islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Axmed Cabdullaahi Cirro Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa Sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanta kuso dhigeen caruurtaasi oo laga soo xaday waalidkooda , islamarkaana la rabay in la dhibaateeyo
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in caruurtaasi lagu raadidoono Waalidkooda.
Caruurta lagu soo bandhigay boosaaso ayaa da’dooda waxaa lagu sheegay in labada Gabdhood ay jiraan min hal sano iyo wiilka oo jira seddex sano



