Daawo Sawirada Banaanbax balaaran oo ka dhacay Caabudwaaq

Banaan bax ay soo agaasimeen bahda Waxbarashada degmada Caabduwqaad ayaa maanta lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Roobda’ay  ee magaalada Caabudwaaq.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday dilalka qorshaysan ee loo geysto dadka waxtarka u leh bulshada kunool degmada Caabudwaaq,

Banaanbaxa ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Caabudwaaq iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada kunool degmadaasi.

Madaxa Arimaha Bulshada ee maamulka degmada Muuse Maxamed Axmed ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka loo geysto dadka bulshada ka dhex muuqda , islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabooyin looga hortagaayo arintaasi.

dscn8477 dscn8466 dscn8565 dscn8545 dscn8528 dscn8524 dscn8513 dscn8500 dscn8497 dscn8487 dscn8480