DAAWO:-Maxay tahay Shuruuda Soomaaliland ku xirtay wada-hadallada DFS?

Soomaaliland ayaa ka hadashay wada-hadallda Dowladda Soomaaliya ay wado in dib loola bilaabo Soomaaliland,kaas oo shirar horudhac u ah lagu qabtay Magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga u qaabilsan Somaliland wadahadalka dowladda Soomaaliya   Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in madaxwaynaha Soomaaliya uu bur buriyay heshiisyadii horay ay u wada galeen labada dhinac .

Waxaa ay shuruud uga dhigtay inay dib u bilaawdaan wada-hadallada Soomalailand iyo Dowladda Federaalka in dadka Wakiil ka noqonaya Dowladda Federaalka aysan noqon kuwo dambi horey uga galay Soomaaliland.