DAAWO:- Maxaa kusoo kordhay booqashadii RW Xamse ee degmada Aadan-yabaal?

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo maanta ka hadlayay meel fagaare ah oo ku taal degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Al-Shabaab uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah 1) in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo 2) in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab ilaa laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf.

Halkan ka Daawada Warbixinta Warkaan