Madaweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb ay tahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana ay tahay mid la dhoodhoobey.
Isaga oo Gaalkayo kula hadlayay qaar kamid ah Xildhibaano uu soo xushay ayuu sheegay in doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid lagu doortey Axmed Baasto oo mar sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.



