DAAWO:- Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan Ciidamada Shacabka dilaya

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ay isku raaceen in laga hortago oo tallaabo laga qaado Ciidamada dadka kudilaya Magaalada.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dareeska kala duwan wata ee Dadka Shacabka ah dilaya ay siwadajir ah uga hortag doonaan, isla markaana sidoo kale la isku raacay in lala dagaalamao, Al-Shabaab iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh wuxuu sheegay in maandooriyaha uu qeyb ka yahay amni darrada ka jirta Magaalada muqdisho, isaga oo sicad u sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan dadka ka Ganacsada iyo kuwa isticmaala intabadan.

Hadalka Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay laamaha Amniga ay Muqdisho ka wadeen howlgallo ka dhan ah Maandooriyaha, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Ciidamo dad Shacab ah kudilay Magaalada Muqdisho.

Halkan ka Daawada Hadalka Guddoomiye Yabooh