Gaalkacyo-RisaalaFM- Gabadha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar kana tirsan Golaha Wakiilada xisbiga Dimuqoraadiga Dalka Mareykanka ayaa booqasho u joogta Soomaaliya.
Ilhaan Cumar oo uu wehliyo seygeeda Axmed Xirsi ayaa dhowaan Muqdisho soo gaartay, waxaana ay booqasho ku taktay Magaalada Gaalkacy, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.
Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa 20-kii Bishan waxa ay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kula kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyey booqashada ay dalka ku timid, sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyey guulihii ay ka soo gaartay Doorashooyinkii ay ka qeyb-gashay ugu dambeyna ay ku guuleystay Kursigii ay u tartameysay.



