DAAWO:- Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Shirkadaha ku guuleystay Tartanka adeega Xajka

Guddiga adeega Xajka ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay Magacyada shirkadaha ku guuleystay tartanka Adeega Xajka ee Sanadkaan, kaas oo loo qabtay 356 Shirkado diyaaradeed ah.

Tartankan ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, waxaana jirtay cabasho mararka qaar ka imaaneysay habka loo qabtay tartanka wallow badi la xaliyay cabashada sida ay guddiga horay u sheegeen.

Guddiga adeega Xajka ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan tartanka adeega xajka ay ku guuleysteen 75 Shirkadood, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa.

Halkan ka Daawada ku dhawaaqista Natiijada Shirkadaha guuleystay

Hoos Ka Akhriso Magacyada Shirkadaha guuleystay