Mas’uuliyiin iyo Wariyeyaal ka socda Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhawaan booqdeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,sida degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolkaas,halkaas oo ay gaarsiiyeen deeq kala duwan oo loogu talo galay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga.
Ka sokoow deeqahaas,waxaa ay Risaala Warbixino kala duwan kasoo diyaarisay baahiyaha iyo dhibaatooyinka ka jiray deegaanadii ay booqdeen xubnaha ka socday,waxaana Warbixintaan ku eegeynaa dhibaatada ka jirta wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Hoos Ka Daawo Warbixin dheer oo uu diyaariyey Wariye Axmed Tifow Xasan.



