Daafaca kooxda Man City ee Kyle Walker oo raali gelin ka bixiyey kaarkii casaanka ahaa

Kyle Walker ayaa raali gelin ka bixiyey in garoonka laga saaray kulankiisii ugu horreeyey ee uu Manchester City ugu ciyaaray garoonkooda Etihad, ciyaartii ay habeen hore barbaraha 1-1 la galeen naadiga Everton ee Premier League.

Saxiixiisa ayey kooxda Man City 50 milyan kaga soo qaadatay Tottenham Hotspur, waxaana Walker uu garsoore Bobby Madley ka guddoomay kaarkiisa casaanka ah kulankii habeen hore kaddib labo kaar oo jaalle ah oo isxigay.

Man City ayaa raadinaysay inay barbareyso goolkii uu ka dhaliyey Wayne Rooney oo ahaa goolkiisii 200-aad ee Premier League markii Walker uu qaatay kaarka cas, laakiin Raheem Sterling ayaa dhammaadkii ciyaarta u barbareeyey City.

“Niyad Jab ayey ahayd habeen hore, waan ka raali gelinayaa taageerayaasha iyo asaxaabta aan isku kooxda nahay, waxay si fiican u sameeyeen inay dib ugu soo laabtaan ciyaarta, isla markaana ay helaan dhibic #MCFC.” ayuu daafaca dambeedka midig xalay ku soo qoray boggiisa Twitter-ka.