Toban ruux oo sagaal ka mid ah ay isku qoys ahaayeen ayaa ku geeriyooday daad ka dhashay duufaantii qabsatay Taliyaaniga kol sii horeysay, meydadka dadka geeriyooday ayaa laga helay Magaalada Palermo oo ku taalla jasiirada koonfurta Taliyaaniga ee Sicily.
Saraakiisha wax badbaadiya ee jasiiradaasi ayaa baaritaan ay sameeyeen dabadeed waxa ay ka war heleen in reerka sagaalka ruux ahaa ee daadka uu qaaday in xitaa caruur yar yar ay ku jireyn mar qurana daadku uu qaaday iyaga iyo gurigii ay ku noolaayeen oo ay kaga gambanayeen duufaanta.
Halka meydka kalana laga helay gaari uu watay ruuxa geeriyooday oo la sheegay in uu ahaa nin da’ ah sidaasina ay sababtay in uu awoodi waayo in uu wax dhaq dhaqaaq uu ku badbaadinaayo naftiisa sameeyo.
Daadadkaan ka dhashay duufaanta qabsatay dalka Taliyaaniga ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwo xoogan maadama ay geysteen khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed oo baaxad leh.
Warbaahinta Taliyaaniga ayaa ku waramayso in duufaanta ku habsatay dalkaasi ugu yaraan 20 iyo dheeraad ay ku geeriyoodeen kuwaasi oo siyaabo kala duwan ay u saameysay.
Bilaawgii todobaadkii tagay ayey aheyd markii dalkaasi ay qabsatay duufaantaani iyadoo dowladda Taliyaaniga lagu dhaliilayo in ay ka gaabisay badbaadinta dad iyo hanti duufaantaani ay galaafatay.



