Cudurka Corona virus oo ku laba kacleeyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka

Mexico waxay sheegtey 46,688 kiisaska  Corona virus , taasoo ka sarreysey Boqortooyada Ingiriiska si ay u gasho tirada saddexaad ee ugu sareysa adduunka ee COVID-19.

Vietnam ayaa diiwaangelisay tiraddii ​​labaad ee coronavirus iyadoo waddanku la dagaallamayo Cudurka Corona Virus , waxaana kiisaska ugu badan laga helay magaalada Danang.

Spain waxa ay soo sheegtay  maalin labaad oo ah 1000- kiisaska  infekshinka coronavirus, waana tii ugu sarreysay tan iyo markii xukuumada  xayiraadda ka qaadday bishii Juun.

Dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Tripoli ayaa ku dhawaaqday inay ku soo rogi doonto xannibaado buuxa meelaha ay ka taliso, ka dib markii ay kordheen kiisaska COVID-19.

In ka badan 17.4 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus’. In ka badan 10.2 milyan oo bukaan ah ayaa soo kabsaday, ugu yaraan 677,000 ayaa ku dhintey, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.