Crystal Palace oo Mamadou Sakho ka soo iibsatay kooxda Liverpool

Kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa dhammaystirtay saxiixa Mamadou Sakho, kaasoo ay kala soo wareegtay Liverpool heshiis joogto ah.

27-sano jirkaan ayaa qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah kula joogay naadiga Eagles, laakiin hadda waxaa si toos ah looga wada iibsaday difaacan kooxda Reds adduun dhan 30 milyan oo gini.

Sakho ayaana kooxda macallin Frank de Boer qalinka ugu duugay heshiis afar sanadood ah.

“Aad baan run ahaantii ugu faraxsanahay halkaan, maxaa yeelay waxaa halkaan ku haystaa saaxiibo ila mid ah” ayuu Sakho u sheegay website kooxda Palace.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa markii hore kooxda Liverpool kaga soo biiray naadiga Paris Saint-Germain sanadkii 2013-kii, waxaana uu saftay tan iyo markaas 80 kulan, laakiin uma ciyaarin Reds tan iyo kulankii Merseyside derby ee dhacay bishii April ee sanadkii 2016.