Cristiano Ronaldo ayaa oo lahadlayay Tv saldhigiisa yahay Chinese ayaa sheegay in dhalashada wiilkiisa naftiisa bedeshay, waxaan markasta ka fekeraa Cristiano Jr waxaan ku kordhiyaa wax weyn markasta,
Cristiano ayaa ka hadlay in mustaqbalka wiilkiisa uu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan kubadda cagta ah heer wanaagsan ka gaara,
Cr7 ayaa sheegay inuu doonayo inuu arko wiilkiisa oo heer isaga lamid ah taagan, waxaana doonayaa inaan ka dhigo mid kamid ah ciyaartooyda loogu jecel yahay kubadda cagta, sidoo kale waxaan u maleynayaa inuu leeyahay tayada shaqi ahaan waa Orodyahan, wuxuu leeyahay sifooyinka ugu fiican ee ciyarayahan laga doonayo.
isagu waa kaliya shan jir, laakiin waxa uu jecel yahay kubada cagta, waa uu ka faa’ideystaa, marka aan guriga wada joogno.
ma doonayo inaan isaga ku qasbo inuu noqdo ciyaaryahan. Laakiin sida iska cad waxaan doonayaa Cristiano inuu noqdo ciyaaryahan. sare, sida aabihiis “, ayuu hadalkiisa kusoo koobay Ronaldo.


