Cristiano Ronaldo ayaa wax walba ku guuleystay waayihiisa ciyaareed.
Manchester United waxa uu la qaaday seddex koob oo Premier League ah, FA Cup iyo Champions League.
Markii uu joogay Real Madrid waxa uu ku guuleystay labo koob oo La Liga ah, Copa del Rey uu labo jeer qaaday iyo afar Champions League.
Ronaldo si fiican ayuu ku bilowday noloshiisa Juventus, isagoo la qaaday horyaalka Serie A iyo Supercoppa Italiana xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.
Waxa uu gaaray guulo badan oo koob qaadista waxay u noqotay mid joogta ah xilli ciyaareed kasta.
Laakiin koobkee ayaa u ahaa midkii ugu qiimaha badnaa? Sida uu Ronaldo isaguba sheegay waa koobkii uu la qaaday Portugal ee Euro 2016.
“Koobka Qaramada Yurub ee aan la qaaday Portugal ayaa ahaa koobkii ugu qiimaha badnaa ee aan ku guuleystay ilaa iyo haatan” ayuu Ronaldo ku sheegay wareysi uu siiyay shabakada Goal.
“Waxay aheyd habeen cajiib ah oo aan la ilaawi karin: Waan ooyay, waan qoslay, waan xanuunsaday, qeyliyay oo qamri badan cabay.



