Laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah u dhameystiray ku biiritaankiisa kooxda Juventus.
Labada naadi ee Juventus iyo Real Marid ayaa ku heshiiyay qiimo dhan €120m oo u dhiganta £105m.
Ronaldo ayaa soo gababeeyay sagaal sano oo uu ku qaatay garoonka Santiago Bernabeu.
Laacibka shanta jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ayaa kula guuleystay Real Madrid afar jeer oo Champions League ah, labo La Liga iyo laba Copa Del Rey isagoo noqday laacibka laacibka ugu goolasha badan kooxda Los Blancos.
Kabtanka Portugal ayaa ka qaadan doono kooxda Bianconeri mushaar dhan €30m isagoo noqonaya laacibka saddexaad ee ugu mushaarka badan kubadda cagta.