Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa loo dhalay ilmihiisii afaraad ka dib markii Georgina Rodriguez ay ku dhashay gabar isbitaal ku yaala Madrid Axadii.
Ronaldo ayaa la wadaagay taageerayaashiisa baraha bulshada sawir Georgina, wiilkiisa weyn iyo isaga oo kusugan isbitaalka weyn ee magaalada Madrid.
Weeraryahanka Real Madrid iyo Portugal ayaa fariin qoraal ku muujiyay in loo dhalay Alana Martina, islamarkaana ay wanaagsan yihiin hadda iyada iyo hooyadeed, dhamaantoodna ay ku faraxsan yihiin!
A Alana Martina acaba de nascer! Tanto a Geo como a Alana estão muito bem! Estamos todos muito felizes! ❤️ pic.twitter.com/nMT4rYc32U
— Cristiano Ronaldo (@Cristiano) November 12, 2017
Cristiano Ronaldo iyo Rodriguez ayaa ku dhawaaqay magaca gabadhooda cusub ee dunida kusoo biirtay bishii hore, xili ay kujireen Facebook Live.
Magaca koowaad ee gabadha waxaa doortay hooyada, halka kan labaad uu lahaa weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.
Ilmaha afaraad ee Ronaldo, Waxaa ka horeeeyay mataanaha Eva iyo Mateo oo si bacramin ah ku dhashay horraantii sannadkaan.



