C/raxmaan Dabcasar oo la sii daayay

Hargeysa-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in C/raxmaan Xaaji oo ku magacdheer (Dabcasar) oo si weyn looga yaqaano baraha bulshada laga sii daayay xabsi ku yaalla magaaladaasi.

Sii deysmadiisa ayaa waxa ay ka dambeysay kadib wada hadal Waxgaradka Somaliland ay la galeen Hay’adaha ammaanka maamulka Somaliland.

Dabcasar ayaa Axadii ina dhaaftay waxa lagu xiray magaalada Hargeysa, xilli Barnaamij toos ah uu ka qabanayay bartiisa Facebooka, waxaana dhaleeceyn iyo dhaliil isugu daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo qaar ka mid ah qabaa’ilada dega Somaliland.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maamulka Somaliland ayaa maanta amartay in C/raxmaan Xaaji (Dabcasar) uu si deg deg ah uga degaanada Somaliland.