Codeynta Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Barri oo ka bilaabatay Laascaanood.

Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka bilaabtay codeynta doorashada Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Tartanka xilkan ayaa waxaa ku loolamaya shan musharax oo kale.

Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)

Jamaal Maxamed Xasan

Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Rashiid Faarax Maxamuud

Maxamuud Yuusuf Xasan

Doorashadan ayaa go’aamin doonta hoggaamiyaha cusub ee maamulka Waqooyi Bari, waxaana indhaha bulshada iyo saxaafaddu si weyn ugu jeedaan natiijada ka soo bixi doonta.