USA-RisaalaFM- Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in C/laahi Xasan Shariif oo habeennimadii sabtidii weerar ka gaystay magaalada Edmonton ee dalka Canada kadib markii uu baabuur jiir siiyey shan qof, isla markaana toorriyeeyey sarkaal booliis ah uu ku noolaan jiray magaalada San Diego ee gobolka California.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inuu ninkaasi dalkaas galay sanandkii 2011-kii, islamarkaana kiiskiisa la diiday loona diyaariyey in la masaafuriyo.
Waxay sheegeen in sannadkii xigay 2012-kii la waayey markii dambana la ogaaday inuu u gudbay dhinaca Canada.
Si kasta ha ahaatee C/laahi Shariif ayaa Maxkamad ku taal magaalada Edmonton waxa ay ku eedeysay inuu galay dambiyo ay ka mid yihiin isku day dil, waxaana lagu wadaa in Talaadada soo socota la soo taago markale Maxkamad Edmonton.



