Ciyaaryahan Sanchez oo ku biiraya Kooxda Inter Milan

Weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biirayo kooxda Inter Milan 48da saacadood ee soo socota.

Xiddiga reer Chile ayaa u furan ka tagista Old Trafford isagoo dhaliyay kaliya shan gool tan iyo markii uu ka soo tagay Arsenal, United ayaa sidoo kale isha ku heysa inay meesha ka saarto mushaharkiisa tirade badan.

Sanchez ayaa ah mid uu aad u doonayo macalinka Inter Antonio Conte kadib markii uu seegay saixixa Edin Dzeko, kaasoo heshiis cusub u saxiixay kooxda AS Roma.

Qandaraaska uu San Siro ugu wareegayo ayaa noqon doona amaah xilli ciyaareed ah, iyadoo kala bar mushaharka 30 jirkaan ay bixin doonto Utd, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Sanchez wuxuu raaci doonaaa tilaabadii weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku, kaasoo Inter kaga soo biiray United horaantii xagaagan, waxaana laga yaabaa inay labadaan weeraryahan kawada ciyaaraan Inter marka nidaamka uu noqdo 3-5-2.