Ciyaaryahan muhiim ah oo ka tagaya naadiga Manchester United

Manchester United ayaa ku dhow inay weyso Odion Ighalo isbuucaan iyadoo wadahadaladii lagu dheereynayay sii joogistiisa ee ay kula jireen kooxdiisa Shanghai Shenhua uu hakad galay sida ay sheegayaan wararka.

Weeraryahanka reer Nigeria oo 30 sanno jir ah ayaa bishii Janaayo heshiis amaah ah ku yimid Old Trafford si uu u daboolo booskii uu ka dhaawacmay Marcus Rashford.

Qandaraaskiisa amaahda ee Red Devils waxa uu ku egyahay 31ka bishaan May, afar maalmood ka dib markii ay aheyd inuu dhaco finalka Europa League.

Iyadoo xilli ciyaareedka uu hakad ku jiro, Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu heshiiskiisa amaahda ku kordhiyo seddex bilood kale si uu u sii heysto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Laakiin kooxdiisa Shanghai Shenhua ayaa diiday qorshahaas, waxayna doonayaan inuu ku soo laabto tababarkooda ay isagu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub oo bilaabanaya dhamaadka bisha Juun.